URURKA FACAWEYN EE CAYAARAHA XAGAAGA HEERKA KOOWAAD SWEDEN OO TOBAN JIRSADAY. 11 May 2008
Waxa ay ahayd 1999-kii markii ugu horeysay ee taariikhda la qabto cayaaraha xagaaga heerka koowaad ee Sweden,cayaarahaas oo ay isugu yimaadaan Qurbajoogta Soomaliyeed ee ku kala firirsan dunida dacaladeeda isla markaana ah cayaaro ay si weyn u sugaan dadyowga Soomaliyeed ee Qurbajooga ah ood arkeyso in marka la gaaro xiliga Kuleylaha in uu dalka Sweden uu si aad ah ula ciirciiro Somali fara badan oo kala kala yimid aduunka si ay nasiib ugu yeeshaan ineey daawadaan cayaarahaas xamaasada leh isla markaana ay halkaasi kula kulmaan asxaabtii hore ee berisamaadkii oo wagtiga iyo waayuhu kala irday.
...