Somali Links:
 
soomaal Labada Shariif oo lacag ka soo qaatay maraykanka isla markaana khiyaamay umadda soomaaliyeed oo hadda aan la aamin karin isla markaana fashilmay
Labada shariif waxba ma dhaamaan Abdullahi yuusuf oo ah mujrim axmaarada dabadhilif u ah laguna shaqaysto oo u shaqeeya yuhuuda & nasaarada isla markaana go,aan ka qaatay la dagaalanka islaamka sidaa si la mid ah kuwa kan waxay la mid yihiin qab qablayaahsii umadda iibsaday isla markaana gaalada keenya...
soomaal Shahiid Macalin Aadan Xaashi ""Cayrow""ma dhiman ee waa uu dhuuntay yacni SHAHIID
Odaygii ayaa dadkii murugeysnaa intuu u soo dhawaadey ku yiri asaga oo kor u hadlaya Cayrow ma dhiman ee waa dhuuntey dadkii oo yaaban ayaa odeygii su'aalo weydiiyey iyaga oo hubsanaya in warka uu Sheekh Mukhtaar sheegey ee ku saabsan geerida Cayrow in uu warkaa been yahay iyo in kale...
soomaal Maqaalkii Todobaadka ::Sheekh Shariif Wadahadalka Waa USA, Ethiopia & Shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed
Waxa dagaalsan waa Somalia & Ethiopia oo ay USA dabada ka taagan tahay jecelna in dalka eey ku qabsato xoogaga afrikanka ah sida Ethiopia,Uganda,Burundi iwm dagaalka xaqiiqdii waxaa uu u dhaxeeeyaa USA, Ethiopia oo dhinac ah & Xoogaga Islaamiga ah...
Hous-Tigree & Field -Tigree
Xiligaan Maquuste waa Hous-Tigree waayo waxaa uu dalka ka tagay 1978 waxaana uu kaxeeystay caruur faro badan oo aanan aqoon u laheeyn dalkii eey asl ahaan ha yimaadeeb balse ku qaan gaaray gumeeysiga in eey la cunaan canjeerada iyo bisbees amxaariga,dhamaan kuwi abuuray jabhadaha Somalia ...
soomaal Maxaad ka taqaan culimadii lagu gowracay masjidka Al-Hidaaya?
Dorraad galinkii danbe waxa ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ee macatab ku dagaalka ahi ka geysteen caasimada Muqdisho xasuuq ba’an oo ay kula kaceen qeybo kala duwan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan hal-bowlihii ummadda sida culumaa’udiinka, iyada oo culimo badan ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ku gowraceen qaar kalena ku dileen gudaha iyo daafaha Masjidka Al-Hidaaya ee deegaanka Waxara cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana culimadaasi ka mid ahaa Sheekh Saciid Yaxye iyo Sh. Cabdullaahi Maxamuud Ciise oo la sheegay in si bani aadamnimada ka baxsan loo dilay culimadaas....
soomaal Nacaburin mahayaan u adeegayaasha isticmaarku;By: Drs Amina Saciid
Waxaan dadka Soomaliyeed ee ka soo horjeed cadowga soo jireenka ah ee dalkeen qabysaday ugu bishareeynhayaa in aannaan wax kasta oo nagu dhac marna ka tanasuleeynin dadaalka aan ugu jirno gargaarka iyo ka xoreeynta cadowga dalkeen hooyo...
soomaal JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?
Waa aduunyo is wada badashay, waa jaceyl midaba yeeshay, waa barasho fuddeed noqotay waa mugdi jaceyl maalmo xasuus badan meertada dareenka qofka oo meel ka qabsata, waa dad dhoof wada jeclaaday, waa buufis jaceyl oo dhaawac reebay waa dad naxariistii ka soo dhamaatay waa duni aaminku ku yaraaday waa dad wada intarasti ah oo qofba qofka kale ...
soomaal Kooxda lagu meelgaarka ah ee Abdullahi yuusuf & Nuur Cadde oo la sheegay inay burburiysa waxaa qoray wargayska NY TIMES
DAWLADDA SOMALIYA OO U SII LIICAYSA INAY BUR-BURTO- NEW YORK TIMES Sunday, 30 March 2008 Dhibaatadu waxay billaabatey todobaadkii hore markii ciidamada dawladdu ay u kicitimeen dhinaca suuqa, waxayna billaabeen iyagoo qori-caaraddiis ku adeeganaya inay rartaan oo boobaan jawaanno raashin ka buuxo. Xoogagga wax iska caabinta ee Islaamiyiinta ah ayaa ku soo ururey oo soo buuxiyey waddooyinka si ay u difaacaan ganacsatad Ciidanka dawladda waxaa la gaarsiiyey qasaarooyin lixaad leh, waxayna u jabeen oo ay sii cararayeen illaa ay gaareen xarunta madaxtooyada oo loo haysto inay tahay halka ugu ammaanka badan magaalada. Iyada, xitaa duqayn ayaa lala eegtey oo rasaas ayaa ku soo dhacaysey. Maxamed C/risaaq, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dawladda ayaa u gur-guurtey dhinaca daaradda oo madaxtooyada gudaheeda ah si uu uga gabbaadsado xabadaha wiifaya ee madaxiisa dul xiimayey. Waxaa uu dhowaan isaga tegey shaqo fiican oo uu ka haystey magaalada Springfield, ee gobolka Virginia. “Waxaan daremayaa in tani (dawladda) ay faraha ka sii baxayso’ Sida ay qudheedu qiratey dawladda waxaa ku xiran qalabka lagu neefsado oo sakaraadkii ayey ku jirtaa. Markii ay magaaladan dawladdu gacan ku haynteeda la wareegtey 15 bilood ka hor iyadoo ciidansanaysa kumannaan ciidamada Itoobiya ah, waxaa si baahsan loogu tilmaamey inay tahay fursaddii ugu fiicnayd muddo sanado ah ee lagu soo afjari karay collaadaha iyo dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee ka jirey Soomaaliya. Laakiin hadda hoggaamiyaasha dawladdaasi waxa ay leeyihiin dawladdani waxa ay u burburi doontaa si lamid ah sidii ay u fashilmeen isku day 13 dawladood oo ka horeeyey, haddii aan la siinin kaalmooyin dheeraad ah oo ay ka mid yihiin nabad ilaaliyaal caalami ah, hub fara badan, tababarro iyo lacago mushaharro ah oo ay siiyaan askartooda. Ciidamadii Midowga Afrika ee la ballan qaadey in ka yar, 3-marka loodhigo hal meel ayaa illaa hadda yimid. Qaramada Midoobeyna waa ay ka meermeereysaa soo diridda ciidan nabadda ilaaliya, xitaa Itoobiyaanku hadda gadaal ayey uga degeen oo kursi dambe ayey qaateen, iyagoo inta badan difaacidda dawladda u daaya wiilal aan 20-kii weli gaarin oo aan hub fiicanna wadan kuwaasi oo inta la harqiyo la dulmaro. Islaamiyiintu waxaa ay helayeen ciidammo ay qortaan waxaana ay qabsanayeen marba magaalo iyagoo sii xoogaysanaya. Ra’iisul wasaaraha cusub, oo lagu ammaano inuu yahay rajada ugu fiican amab-laga uaabee rajada kaliya ee dawladani leedahay, ayaa u gacan taagaya {mucaaradka}, qaar ayaana soo dhoweeyey. Laakiin weli makala cadda inuu haysto awoodda dawladdiisa kala qaybsan taasoo uu heshiis nabadeed oo micno leh ku saxiixi karo, inta uusan xaalku gaarin meel aan waxba laga qaban karin. Guuldarrada soo muuqanaysa ee dawladdan ayaa dad badan oo gudaha iyo dibeddaba kala jooga ku xambaarey inay su’aalo iska weydiiyaan qorshihii laga lahaa in dawladda KMG ah si xoog ah lagu istaajiyo ama cagaha dhulka loogu saaro. Bishii Diseembar 2006 ciidamada Itoobiya oo ay kaalmaynayaan sirdoonka Mareykanka ayaa maamulkii Islaamiyiinta oo muddo kooban gacanta ku hayey Muqdisho magaalada ka saarey, taasoo keentey in dawladda KMG ah ay magaalada tagtomarkii ugu horreysey. Maamulka Bush ayaa sheegey inay ka walaacsan yihiin in argagixisadu ay Soomaaliya ka dhigato meel ay gabbaad ku hesho. Ugaarsigooduna weli wuu socdaa oo dhowaan ayaa Mareykanku madaafiic uu ula dan lahaa shaqsiyaad la tuhun san yahay uu ku duqeeyey Koonfurta Soomaaliya, laakiin waa uu la gefey waxaana uu dhaawacay dhowr qof oo rayid ah, waxana uu markiiba kiciyey cabashooyin.. Soomaali badan iyo diblomaasiyiin reer Yurub ah iyo xubno ku jira aqalka Kongreeska Mareykanka ayaa su’aalo ka keeney go’aanka ay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanku ku gaartey inay urur mucaarad ah oo Soomaaliyeed u aqoonsato ‘Urur Argagixiso’waxayna dad badani ka baqayaan in arrintaasi aysan soo kordhinayn waxaan ka ahayn inay sare u sii qaaddo magaca kooxdaasi. “Siyaasadini waa guul darreysatey” ayuu yiri Donald M. Payne, mudanaha xisbiga Dimoqraadiga ah ee aqalka wakiillada oo laga soo doorto New Jersey. “Baqdaad oo kale ayaan ka dhigaynaa Muqdisho iyo Soomaaliyaba. Waxaan dadka ka dhigaynaa inay dareemaan in si qalad ah loola dhaqmayo, waxaana u sii riixaynaa dhianca inay xag-jiriin sii noqdaan” ayuu sii raaciyey mudanahaasi oo sidoo kalena ah gudoomiyaha guddi hoosaadka Aqalka Wakiillada u qaabilsan Afrika iyo caafimaadka adduunka. Todobaadyadii dhowaa xoogagga Islaamiyiinta ah ayaa hilfaha u qaadey dagaal oogayaasha iyo maliishiyaadkooda ku dhex milmey ciidanka dawladda, kuwaasi oo mijaxaabinaya haddiiba horumar yar ay dawladdu ku tallaabsan lahayd, iyagoo adeegsanaya xeelado bahalnimo sida boobka ama xadidda raashinka. “wax lacago ah nalama siin muddo 8 bilood ah” ayuu yiri askari dawladda ka tirsan oo la yiraahdo Xasan, oo sheegey inuusan wada shaacin karin magaciisa oo buuxa. “waxaan dhacnaa dadka si aan u helno waxaan cunno” Nuur Xasan Xuseen, ra’iisul wasaaraha, Ma dafiro in ciidanka dawladdu ay rayidka boob u gaystaan. “Tani waa dhibaatada ugu weyn ee ina haysata” ayuu bishan wareysi uu bixiyey ku yiri. Laakiin wuxuu sheegey inaysan haynin lacag ay siiyaan. Bil kasta in kabadan kala bar dakhliga xukuumada u soo xarooda ayaa la lunsadaa oon la ogeyn halka ay marto. – ‘Waxaa xada dadkayaga’ ayuu ra’iisul wasaaruhu sii raaciyey. Mr. Nuur, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa Bisha Cas Ra’iisul wasaarena noqdey bishii Novembar, waxaa uu isku dayayaa inuu Islaamiyiinta qun yar socodka ah ka soo gooyo kuwa mayalka adag oo uu aqbalsiiyo inay wada hadlaan. Waxaa uu tanaasulaad u samaynayaa hoggaamiyaasha baayac-mushtarka oo si weyn loogu tuhunsan yahay inay maal geliyaan Islaamiyiinta oo ay taageero xagga qabiilka ah u hayaan, waxaana uu u ogolaadey inay samaystaan ciidammo ay iyagu leeyihiin oo ay isku ilaaliyaan. Qaramada Midoobey ayaa isku dayeysa inay 14 milyan oo Dollar ku taageeraan dadaalka Nuur Cadde wado si uu ugu bixiyo mushaharrada dawladda laguna hagaajiyo wasaaradaha. Saraakiisha dawladdu waxay leeyihiin mucaaradka badankoodu waa qaswadayaal ka macaashey xaaladda lagu jiro ee sharci la’aanta ah, sida hubka sharci darrada ah, lacagaha la soo been abuuro iyo keenista badeecooyin waqtigoodii dhacay. Laakiin qaar ka mid ah ragga la rumaysan yahay inay yihiin kuwa ugu waaweyn ee wax kharribaya waxa ay ka tirsan yihiin Xukuumadda. Si ay taageerada qabaa’ilka iyo maliishiyaadkaba u hesho dawladdu waxay heshiis la gashey dagaal-oogayaasha sida Mxamed Dheere, oo hadda ah duqa Magaalada iyo Cabdi-Qaybdiid oo isna ah taliyaha Boliiska. Kuwaani waa isla kuwii ay CIA-du maal gelisey sanadkii 2006-da si ay ula dagaallamaan Islaamiyiinta, kaasi oo noqdey qorshe qaldamay kadib markii uu shacabku iyaga ku soo jeestey argigixintii ay hore ugu yaqaanneen darteed. Islaamiyiintu waxay qabsanayeen muddo kooban dhowr magaalo todobaadyadii ina dhaafey weyna isaga baxayeen oo duurka ayey dib ugu laabanayeen kadib marka ay maxaabiistana sii daayaan wixii hub ahna ka qaataan. Qaoraalka oo Af-ingiriisi ah riix ...
soomaal Sixir wadareed loo adeegsaday waraabayaal madaxa laga guray iyo madaxweyne rayaale oo bil qol isku xidhay.
Waxaa maalmahan dambe kusoo badanaya magaalada hargeisa arin aan hore loo arki jirin, arintaas oo ah in maalmahan dambe si isdaba jooga loogu arkayo qaar ka mida xaafadaha hargeisa waraabayaal laga jaray madaxa oo daadsan qaar ka mida xaafadaha hargeisa...
soomaal Bariga Itoobiya (Soomaaliya)
Dhulkaan ku dhashay waxaa hadda loo yaqaan Bariga Itoobiya. Waagaan dhashayse waxaa loo yaqaannay Soomaaliya. Degmadaan ku dhashay waxay u dhowdahay halka la mariyey xariiq-beenaadka aan ugu yeeri jirnay Soomaali Galbeed. Fasalka koowaad ee dugsiga hoose markaan dhiganayey waxaa hees gobannimo-doon ah noo qaadday gabar dhimatay Allaha u naxariisto oo dhiganeysay fasalka siddeedaad.Waxaa heestaas miraheeda ka mid ahaa...
soomaal DHACDO LA YAAB LEH OO KA DHACDAY LONDON
Dhacdadan ayaa ka dhacday CROWLAND COMMUNITY SCHOOL taariikhdu markay aheyd 21.02.2008, anagoo joogna garoonka, kuna guda jirna tartan weyn oo maalinle ah oo aan u qabanay caruurta Soomaaliyeed ee dagan magaalada London, ayaa la gaarey xiligii salaada duhur, waxaana go'aansanay inaan ku tukano garoonka dhaxdiida salaada waqtigaas oo aan ku jirnay Break Time-ka...
soomaal Maqaalka maanta ""Maquustow Goormaad Quusan Doontaa""
Maquustow Dadkii iyo wadankiiba cadow cunsiise Goormaad quusan doontaa Dhaawaca aad adiga iyo cadowga maanta u geysateen shacabkii somalyeed waa mid murugo leh. ileeyn qof aad badbaadiseen iyo wax aad soo gordhisay majirto oo aan eheyn shacabka dhiigisii in aad daadiso boogo badana aad wadankii leyslahaa wuxuu kasoo kabsandoona ...
soomaal Waa sidee xaalada waxbarashada ee dalka Bangladesh
Wadanka Bangladesh waxa uu ka mid yahay wadamada ku yaala koonfurta Asia, waxaana sadex jiho kaga hareersan wadanka India. Dalka Bangladesh waxu xurnimada qaatay sanadkii 1947, ayagoo qeeb ka ahaa dalka Pakistan waxaana la oran jiray xiligaa, bariga Pakistan ama (East Pakistan), halka wadana hada Pakistan loo yaqaano uu ahaa Galbeedka Pakistan...
soomaal 18 febaruary maalinkii dhidabada loo aasay isbahaysigii sharka & shaydaanka ee maraykanka xamar ka sameeyay
Inta badan dadku waxay aad ula yaabeen ama cabsi ku abuurtay hogaamiye kooxeedyadda isbahaystay iyo sida looga adkaan karo iyadoo markaana dadku ay wada saadaalinayeen in la weyn doono awood ishortaagta hogaamiye kooxeedyadaas oo iyagu ahaa kuwii ugu hubka badnaa magaaladda Muqdisho. ...
soomaal Daba dhilif waashoow aduunyada warbaa yaal aakhirana waxbaa jira
Hadaba inta uu la hadlayay senawi ma uunan oran wax aan ka ahayn “haa, haa, haa” isku xik xikta oo aneey u dhexeyna maya.Hase yeeshee mar ayuu ku dhiiraday in uu “Maya” yiraahdo si kadis ah.Waxay la yaab iyo filanwaa ku noqotay ragii kale oo asxaabtiisa ahaa sida geesinimada iyo dadnimada leh ee uu ugu dhiiraday in uu “Maya”yiraahdo. ...
soomaal Labadii dabadhilif ee tikreega Maquuste Dagaal ayaan Rabaa,Nuur Cadde Nabad ayaan Rabaa???
Umada somaliyeed yeey aaminayaan labadaa nin ?? Maquuste waxaa uu cadeeyay in uu dagaal diyaar u yahay halka N.Cade uu umada u sheegayo in nabada iyo wadahadal lagu gaari karo wax walba ,hadaba shacabka somali keey aaminaan ???Ma Maquuste ayaa runta sheegaya mise N:Cade waxaan jeclahay in aan maqaalkaan ku soo...
soomaal Maqaalka todobaadka : Fadliga maalamaha Caashuuraa
Walaal kasta oo ay soo gaarto fariintaan waxaan ka rajaynaynaa inuu ugudbiyo qof walba oo muslim oo ka faa'iidaysan kara risaaladaan...."" qofka dadka khayrka tusa waa isagoo kahyrkaas camal falay"" ...
soomaal Kafiil ku kifaaxa Kufaar u shaqaynta
Xaalkay ku sugnaayeen Awoowyaasheen, key kusugnaayeen Aabayaasheen, kaan kusuganahay anagu iyo kay sugnaan doonaan Ubadkeenu hadaan eebe noo sacaba godin...
soomaal Dagaalka cusub ee Kenya oo faraha ka sii baxaya doorashadii lagu shubtay awgeed
Waxaa iska cad in sheekada kiinya ka taagan tahay mid aad u sii qudhmeysa oo maalinba maalinka xiga waxaa soo baxaya warar badan oo sii xoojinaya in dalkani u sii siqayo xaggaas iyo dagaalo qowmiyadeed oo faraha ka baxa...
soomaal Aadane waxaa maagantahay addiyo maankaaga
Anagoon ka maageeyn xeerka sareeyuhu u dejiyey nolosha iyo noolaha.Sijirtaa jirimeysee Eeboow sidii roon Soomaali iyo Soomaaliya ugu roonow...
soomaal Mu,tamarkii koowaad ee samafalka khayriga ah & Horumarinta KAFAALO WELFARE ORG oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Oslo,NORWAY
Waxaana soo qaban qaabiyay Dhalinyarada & culimadda kafaalo ee dibadda & dalka kuwaas oo soo bandhigay wax qabadkoodii labadii sano ee ay dhisnayd isla markaan soo bandhigay film ay ku soo bandhigeen waxqabadkoodii ""Daawo Sawirada""...
soomaal CIVIL WAR IN KENYA DAGAALADA SOKEEYE EE DALKA KENYA OO SHABAHA KUWII DALALKA RWANDA & BRUNDI 2004
Kenya waa dal qoomiyado kala duwan oo kala af iyo dhaqan ahi ku nool yihiin sida dalka itoobiya, taasi waxay ka macno dhigeysaa in dagaal sokeeye oo aad u fool xun holci doono maadaama sida hadda la sheegay illaa 1000 qof ay ku dhinteen tan iyo intii iska hor imaadka la xidhiidha doorashooyinkii kiinya looga dhawaaqay curiyeen muran xoogan. ...
soomaal Maquuste ILaah Ayuu Ku Balan furay
Maquuste waxaa uu ku balan furay ilaahii abuuray waana kii ku dhaartay in uu dalkan ka difaacayo cadowgiisa danaha qaaska ahne uu ka horumarinayo mida guud ee umada soomaliyeed,waxaa uu ku dhaartay in uu wax ka qabanayo nabada iyo wada noolaanshaha umada somaliyeed soona celinaayo nidaamkii kala danbeeynta...
soomaal Guulaa weyne Shacabkoow maxaa godob lagaa galay.
Sidko gawrac laguqaad sirqo talada laga doon Sirta hadalka lagadaa iyo sogordaheedii Sixinbaa waxsaarle sunta haamo lashubay ...
soomaal Zenawi: Haddaad Wanan Qalan Jirteen Ciidaha; Annagu Wiilashiinaan Qudha Ka Jareynaa
Labo ciid Udhxiyo ee ugu dambeeyey Muqdisho kuma soo dhowaan in wanan laga qalo ee waxa qura ee dhegta dhiiga loo darayey waxay ahaayeen carruur iyagoo Qur’aan dhiganaya madfac ku dhacay ama hooyo iyadoo qado karineysa uu askari Tigree ahi madfac kaare laga soo tuuray jikada ...
soomaal Maqaalka todobaadka : Xaniinyo Barbaar doone kuwo Baraar kuma qanco.
Inkastoo loobaaqoo looba sheego baraare dadbaa meeli bugtaa. Ibni aadanka digidi maahan wax wax u taraya siyaaba jira owgood. Kuwa ugu weyni waa laba arrimood middi waa damanaanta binni-aadamku uu ka damanyahay xogaha jirra iyo habka wax u dhacayaan. ...
soomaal DADKU WAXA UU RABAA ISBADAL SIYAASADEED OO KA DHASHA MAAMUL KU SHEEGA PUNTLAND EE HABKA QABIILKA AH KU SAMAYSAN
Hayeeshee waxa adamaha ay dhaxal siisay kalitalisnimadu in ay dhasho burbur,dhaqaale,siyaaso,dhan walba oo ku dhaca dalka uu ka jiro kaligii taliyuhu,kamana baxaan dagaalo seekeeye meelaha uu ka jiro kaligii taliye. ...
soomaal Maqaalkii todobaadka ee Abdirisaaq Tahliil : Ma noobibaa ayagaan qalbiga nuurba loogeline.
Waxaad maqasheen dhamaan samajecloow in daba qoodhiga weyn ee Gacma dheere yiri Shabaabku waxa ay doonayaan inay dhintaan ama ay wax dilaan. ...
soomaal Abdulwaaxid Abdullahi Khaliif : Biyo Zenawi Baa Nala Cabsiiyey (We Were Baptized Zenawi)
Masiixiyiinta dhexdeeda waxaad ka maqleysaa kuwo loogu biyo shubay nabi Ciise (CS) ama hooyadii (RC) ama kaniisadaha ay kala heystaan sida katooligga oo kale. Laakiin inta la ogyahay taariikhda Soomaailada ma jiro niman ka horreeyey dhabolifyada Tigreega oo nin u dhashay Itoobiya ku biyo shubtay!...
soomaal Faaladdii Abdiwali Sheekh Mohamed : Malas Zinaawi ayaa yiri Abeed, Abeed, Abeed
Bishii novembar/2007, Labadii usbuuc (wiik) oo ugu dambaysay warbaahinta caalamiga ah, waxay tabisay saddex war oo ay tahay in dib loo milicsado. Warka koowaad: waxaa tabisay Aljazeera qaybta Ingiriisiga, warka labaad:BBC-da afsoomaaliga, warka saddexaad:Universal TV. ...
soomaal Maqaalka Isniinta ee Max,ed Xirsi Guuleed : Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Al- Shabaab Yaa la dirirsan yeyse u dan yihiin?
Arrimahaas waxa lagu gaadhi karaa; in dalka Soomaaliya taladiisa laga ilaaliyo dad xambaarsan afkaar ku lid ah ujeedooyinkaas. Dadkaasina waxa ay noqon karaan oo keliya qolyaha xambaarsan afkaarta ah “ku dhaqanka Shareecada ...
soomaal Maqaalka maanta ee Liibaan abdi ali : Duulaanka xabashida dalkeena muxuu baday ?
Madiidinkii Cali Geeddi ee baarriga u ahaa Xabashida,horseedkana u ahaa in ay soo galaan,waxa uu ku war celiyay wiilka curadka ah ee Ethiopia, dagaal ooge C/laahi Yuusuf,sidaas ayuuna ku mutay in laga qaado xilkii laynta dadka ee loo dhiibay si loo helo mid kale oo la haya Yusuf...
soomaal Maqaalkii Abdulwaaxid :: Nin Xildoon Ahi Waddan Ma Xoreeyo
Khaladka ugu badan waxaa leh shacabka. Waxaad arkeysaa iyagoo maamuusaya oo soo dhoweeya niman wada dambiilayaal ah oo intaas oo shir taagnaa lana soo shaqeeyey dagaalooge kasta. Tusaale ahaan haddaan madaxweynaha Soomaaliya ku nacay siyaasaddiisa macquul ma aha inaan dambiilayaal kale dhegeysto anoo isleh isaga ku nacee...
soomaal Haddii weer garsoore noqdo Ari xaquuq maleeyahay
Samanbaase imaan noowgu roonaada xambaar hagar la aaneed dhiiluhunaha dhito ay ka buuxdo. Samanbaa jiray ay noolayd islaan leh hal il oo ishuna dhalda uga taashay, islaantu awlaad wiilbay kaleheed waxaana dhicijirtay in uu wiilku ciyaarta ubadka la-eg ku dheeraanjiray. ...
soomaal Maqaalka todobaadka ee LIIBAAN ALI ""Cadde muuse kaligii cunoow kaligaa difaac Laascaanood""
Wiilasha cadde muuse waxaa loo diyaariyey sidey wax u baran lahaayeen halka wiilasha reer puntland ee kale la rabo in dagaal la geliyo isla markaana u dhintaan jiritaanka majeerteen & noloshooda ku dhisan axmaaro jacaylka, islaam la dagaalanka & ka cararidda xaqiiqda taagan...
Previous | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45  Next


©  kacdoon.com    .   kacdoon2@hotmail.com Powered by   Ramaas Software