Al-Qaacida oo sheegatay weerarkii safaaradda Denmark ee dalka Pakistan 06 Jun 2008
Warbixin lagu soo daabacay bog internet ah oo ay al-Qaacida adeegsato ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu qeyb ka yahay jawaab laga bixinayo jaraa’idka dalka Denmark oo soo sawiray sawir-gacmeed ay ku aflagaadeeyeen Suubanaha Nebigeena Maxamed CSW,Al-Qaacida waxay sheegtay in jawaabuhu aysan fari ka qodneyn.
...
Barack Oabama oo ku guulaystey musharaxnimada Tartanka madaxweynaha Dalka Maraykanka 2008 04 Jun 2008
Guusha Sen. Barack Oabama ayaa ah mid taariikhi ah kadib markii uu noqdey musharaxii ugu horeeyay ee ka soo jeeda dadka madawga ah dalka Maraykanka , Barack Obama ayey ku legdami doonaan bisha November ee sanadkan Senatorka ruug cadaaga ah John mCcain ee ka socda xisbiga ...
Shirka Cuntada Adduunka oo furmay iyo Dooda ka dhalatay Mugabe & Ahmedinajad 04 Jun 2008
Waxaa maanta magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ka furmay Shirweyne looga hadlayo Sicirka Cuntada Adduunka ee sare usii kacaya iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Soo koraya. Shirkan ayaa ah mid ay soo qaban qaabisay hay’ada cuntada Adduunka ee FAO, waxaana ka qeyb galaya 50 hogaamiyayaal dowladaha calaamka.
...
China oo caalamka ugu mahadnaqday Deeqdooda 18 May 2008
Waxaan rabaa inaan cadeeyo sida aan ugu faraxsanahay uguna mahadnaqayo wadamada shisheeye iyo asxaabteena caalamiga ah…” ayuu yiri Madaxweyne Hu Jintao oo ka hadlayey deeqda caalamka uga timid ee gargaar asagoo la hadlayey wakaalada wararka ee dalkaasi China Xinhua.
...
Bush oo safar dhulka falastiin ee Yuhuudu xooga ku haysta isagoo taageeray yuhuudda 15 May 2008
Waa safarkii ugu danbeeyey ee uu Madaxweynaha Maraykanka ku tago inta uga hartay xilka uu hayo dhulka la heysto ee Falastiin, Mr.George W Bush ayaa waxaa si diiran Airporka Tel Aviv ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuda Ehud Olmert. Safarka Bush ayaa qaadan doona 3 maalmood...
Dhulgariir ku dhuftay China oo ay ku dhinteen in ka badan 12000 14 May 2008
Koonfurta galbeed ee dalka Shiinaha iyo guud ahaan dalka China ayaa si weyn looga dareemay dhulgariir xoogleh maanta, ayadoo soo baxayaa warar la xariira tirada dhimashada oo sare usii kaceysa...
Warbixin)Kenya oo xiratay xadka ay la leedahay Soomaaliya 09 May 2008
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Mandheera ee Woqooyi bari Kenya oo aanu xiriir la sameynay ayaa waxa uu sheegay in Xadka ay la leedahay Dowladda Kenya gaar ahaan kan Gobolka Gedo ayee soo dhoobeen ciidamo ka tirsan Militariga Wadankaas, xilli Dowladda Kenya ka cabsatay ...
4 askari oo ka tirsan ciidamada marines ka ee dalka maraykanka oo lagu laayay gobolka AL-ANBAAR ee galbeedka dalka CIRAAQ 05 May 2008
Wararka ka imanaya dalka ciraaq ayaa ku waramaya in 4 askari oo ka tirsan ciidamada badda maraykanka ee loo yaqaano Marines ka lagu laayay gobolka AL-ANBAAR ee galbeedka dalka ciraaq ka dib markii lagu weeraray miinadda meelaha fog laga hago isla markaana la gubay baabuurkii dagaalka ee qafilnaa halkaas oo ay gubteen iyaga & baabuurkii ay saarnaayeen...
Sawir qaadihii Aljazeera oo Guantnamo laga sii daayay 02 May 2008
Sawir qaadihii ka xirnaa TV-ga Aljazeera ee ku jiray Xabsiga Guantanamo ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga sii daayay xabsigaasi isaga oo gaaray wadanka uu u dhashay ee Sudan...
Jiirar loo tababaray in uu Miinooyin kasaaro wadanka Ugaandha 30 Apr 2008
Layaabka Aduunka, maalinba maalinta kadambaysa waxaad arkaysaa waxaad layaabto, soomaaliduna waxay ku maah maahdaa " Nin aduunyo Joogoow maxaa aragti kuu laaban ama Cimrigaaga oo raaga Geel dhaluu kutusaa" waxaa maanta dunida ku soo biiray in la ageedsado jiir oo ...
4 askari oo ka tirsan ciidamada maraykanka ee ku soo duulay ciraaq oo lagu laayay dalkaas 24 saac ee ugu dambeeyay 29 Apr 2008
Wararka ka imanaya dalka ciraaq ayaa sheegaya in 4 askari oo ka tirsan ciidamada maraykanka ee xooga ku jooga dalka ciraaq la dilay 24 saac ee ugu dambeeyay ka dib markii madaafiic & hoobiyayaal lagu weeraray bariga magaalada Baqdaad ee xarunta dalka ciraaq oo dagaaladu ka socdeen maalmihii la soo dhaafay iyadoo ay kaceen qaar ka mid ah shiicadda wadaadka mintidka ah ee Muqtada Al-sadr oo dhuunta u galay maraykanka & shiicada Iran laga hogaamiye Golaha Al-xakiim...
Xamid Karazai oo ka badbaaday isku day dil 28 Apr 2008
Xamid Karazai wakiilka Gumaysiga marayanka Maraykanka u ah ayaa maanta ka badbday isu day dil kadib markii qarax iyo rasaas xoogan ay isqabsadeen
goob uu jogay Karazay oo xaflad miltarai lagu dhigay magaalada kaapul.
Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha halkaasi ka dhashay hase yeeshee waxa la sheegayaa in 3 qof dhinteen 11 kalena ay ku dhaawacmeen.
...